HOOYO

 Waxa qorey.Daaci Siciid


Markaan aqriyay Qormadan Wllhi  Waan Ka Xishooday Rabbigey inaan Maanta Ka dib Ku Caasiyo intii hore Ha iga Ekaato.


Adigane Waan Ogahay Markad aqrisato Waad Ka Xishoon doontaa Rabbigaaga Oo Aad Muddo badan Ku Caasin jirtay si indho laan ah.


" Xadiith Qudus Waxaa Uu Allah Ku yiri"{  ina Aadamow Waxaan Hooy Kaaga dhigay Caloosha Hooyadaa Adigoo Daciif ah


Waxaan Kugu Daboolay Xuub Dahaar ah  Si Aadan Uga baxsan ilmo galeenka Hooyadaa

Wajigaaga Waxaan U jeediyay Xagga dhabarka Dambe Si aysan dhibaato Kugu geeysan Urta Ka dhalatay  Raashiinkii ay  Hooyadaa Cuntay 


Waxaan Kuu Sameeyay Makaanu Santeecsi Meel Aad isku Kala bixiso Markaad Uur jiifka aheeyd Oo ah  Dhanka midig iyo Dhanka bidix Dhanka midig Waxaad Ku Jiifan jirtay Beerka Hooyadaa...

Markaad Ku Daasho Waxaad U badalan jirtay dhanka bidix  Oo ah beer yaraha Hooyadaa


Waxaan Ku baray Sida Aad Ugu istaagi laheed Uguna fadhisan laheed gudaha ilmo galeenka Hooyadaa  ,  Miyuu jiraa Allah Aan Aniga aheeyn Oo Sidaa Wax yeeli Karo .? Mayo. Rabbiyow Waad Ku mahadsan tahay...


Muddadaadii Markii ay dhamaatay Oo Aan U Waxyooday Malaga Aan U Wakiishay in Uu Ruuxda Ku afuufay Uurjiifka Waqtigoodii Nooleynta U bilaatay   in Uu Ruuxda Kugu afuufo  Ka dib Ruuxda Lagugu afuufay 


Markad Ka Soo baxday Meeshii Mugdiga aheeyd Ee Aad Ku jirtat Oo Aan Ku sahlay Wadadii Ciriiriga aheeyd Adigoo Madaxa Soo i hor marsatay 


 Ka dib Aan Caano Kuu geliyay Labada Naasood Ee Hooyadaa,   Caanahaas Oo Xilliga Qabowga jiro Aad U  diiran , Marka Uu Kuleyl jirana Qabow ah.


Labadaada Waalid Aan Quluubtooda Jaceyl Kuu geliyay , Labadaada Waalid  Ma dhargaan ilaa Aad adiga Ka dhargto  ,  Ma seexdaan ilaa Aad Ka seexato.


Markaad Xoogaawday Oo Aad qaangaartay 

Waxaad igu abaal gudday inaad igu caasiso 

Markaad kaligaa tahay igamana Aadan Xishoon.


 Sidaas ay tahay Haddii Aad i barido Waan ku ajiibayaa  ,  Haddaad Wax iweydiiso Waan ku siinaya ,  Haddaad ii towbad keento Waan kaa tiwbad aqbali lahaa."

《 واخفض لهما جناح الذل من الرحمة وقل رب ارحمهما كما ربياني صغيرا》.

Markad dhameyso Soo Qor mid Ka mid ah magacyada Allah   أسماءالحسني. Share & Like

Comments