Cibaaro & naxdin nololeed

 Cibaaro & Imtixaan Nololeed ! 



Maanta oo kale 13 sano kahor dalka Koofur Afrika ayaan Cagaha soo dhigay dhacdooyin murugo igu reebayna waan kala kulmay.


Bartamihii 2010 baan imid maalin Soon ah waxaa Johannesburg  igu soo dhoweeyey 9nin oo aan ahayn Isku xaafad qaarkood Isku Iskuul qaarkood Isku koox kubada cagta ah.


Galabkii Hotel bey igeeyeen waan soomanaa ,adigoo safar ah maxaad usoontay ,inakeen aan soo afurnee ayey igu yiraahdeen.


Waan isla soo afurnay,Green Lodge Hotel la dhihi jiray oo ay idajiyeen baan dib ugu soo laabanay habeenki oo dhan bartii ban ku sheekeysanaynay.


Layaabka aduun 9kii nin ee igusoo dhoweeyey South Afrika 9-koodiiba way dhinteen ,anigaa iilka dhigay waxaana la dilay kaliya intii udhaxeysay 2010/2011, waxana lagu kala dilay Pretoria, Johannesburg, Kwazulu Natal.


Waxaa naxdin leh ragaas dhamantood da’doodu waxay udhaxeysay 19-25 kaliya,Qaarkood iyagoo gabdho lagu mehriyey oo aan meherkoodi ka qayb galay oo aqal gal sugayaal ah baa la dilay hooheey aduunyooy ileen aayo malihid.


Markaan arkay inaan Saxiibadey aasay oo aan waayey saaxiibo iyo walaalo igu qaali ahaa, misna xusuusteyda waxaa ka bixi waayey raga qaarkood Isbitilaadii meydkooda la dhigay baa lagu qashay ,markaasaa waxa meydkooda nala siiyey Iyagoo Baco yar yaroo Madmadoow kujira,oo xubnahooda qaarkii maqanyihiin.


Markii Qabriga  la dhigayey wajiyadooda  iyo qaarkooda sare wuu kala dhanbalnaa,Ilaahow idiin naxariiso taas waxa iigu xigtay Inaan aniga laftirkeygu la kulmay 8weerar oo kala duwan dukaamo aan joogay, iyo 2jeer gaari Baaki ah oo aan watay wadada Motor wayga ay tuugo igu eryatay oo aan hasinka uga baxsaday,waagaas tuugado waxay qaadan jireen City Golf gawaari la dhihi jiray oo aad u orod badnaa.


Waxay ugu darnayd markii Dukaan  nalaku soo weeraray oo ragii tukaanka ka shaqeynayey oo 2 ahaa Iyo 2nin oo marti ahaydba halkii lagu dilay.Qaarkoodna iyagoo nool Kuukarka cuntada lagu kariyo lagu fariisiyey, oo si xun loo silac dilay.


anigoo qolka danbe cunta ku karinaya baa qaarkood Maskaxdoodii oo fan-faniin ahi iigu timid halkii an kujiray,Intaan ishayn kari wayey oo aan yara qalqalay baa waxaan usoo baxay gudaha halkii ay joogeen tuugada weerarka ah anigoo isleh raga qaar ha bad baadaan ee sheeg lacagta Tukaanka taal ee laga baxshay, loona dhigay in bishii laga saaro Tukaanka,waxan ku iri mudanayaal lacag miyaa dooneyseen mise inaad dhiigeena qurqurisaan? 


Waxay iigu jawaabeen (iibi maali Bafana) aaway lacagtii wiilka yaroow waxan eegay geesaheyga isla markiiba waxan arkay in ragii Tukaanka joogay inaanu hal ka nooleyn,oo xitaa habar Zulu ah oo tukaanka an ka kiraysanay iyadiyoo meyd ah oo albaabka hore waran bey iimuuqatay,waxaan is iri kolba wax nool uma jeedide adiguna noolaan meyside lacagtana ha ugu darin oo labo-jab hawada qaadanin ee hadaad dhimaneyso dhareerka wala iska duwaaye bal naf doonoo wax uun sameey.


Waxay naftu igu kaliftay inaan damiyo oo aan gacanta la helo xaruna main switch-ka Tukaanka oo ii dhowayd si-dhamaantood wixii leeyr Tukaanku lahaa ay udamaan isla markiina dam beey isla dhaheen,qof qof kale meel ku sheega wala waayey anigii iyo iyagiina qof walba wuxuu galay, difaacu nafsi,Bistoolad 15 qaad ah oo aan mir 16naad udheereyn ayaa meshii taalay iftiinka kaliya ee la arki karay waa holaca barta aad xabada kasoo rideyso oo weliba hadaad sii joogto lagu tooganayo, iyo Albaabki dukaanka oo Ifiinkiisa ilaa darbiga danbe uu ka ifayey, balse qofkii albaabka xagiisa aada inuusan baxsan baan anigu go,aansaday, waxan salfan karo  oo aan sii maran karo si aan usii marto una salfado.


Waxay ahayd habeen ay cabsidu iga guurtay waxay ahayd habeen addag oo aan awoodi wayey inaan telfon diro waxay ahayd habeen gaarigi tukaanka loogu adegayey oo an darawal ka ahaa lagu gubay tukanka hortiisa.


Waxay ahayd Habeen, markii danbe oo aan  Booliska wacay ay igu yiraahdeen hada ma imaan karno eeriyada aad joogto oo waa meel Makuuko ah oo tuugo badan.

Waxay ahayd habeen an is iri Booliska qudhooda ayaaba ah tuugada idin soweerartay.


Waxay ahayd habeen aan awoodi waayey raga qaar oo dhaawac  culus madaxa ka qabay balse aan mooday iney dhinteen aan qol cidlo ah kujiiday.Waxay ahayd habeen goobta an joogay ay ku qurbaxeen 7qofood 4 Somali ah iyo 3South African ah.


Waxay ahayd habeen aan qol laseexday 4qofood oo meyd ah iyo qof dhaawac garaab ahaa madaxa ay 3xabo uga yaaleen kaasoo isaguna qurbaxay seq dhexe, oo aan 3pm maqlayey qiiqdiisa iyo neef jiididiisa.


Markeey ku beegantahay 4 habeenimo ayaa Darbi  jabis iyo Faas lagu soo bilooway qolkii aan jiifay darbigii marki ay soo duleeliyeen baan xabad kahorgeeyey waxaana iihartay 2mirood oo qura 12 ka kale hore ban u isticmaalay, iyagiina dhalo ama qarsho ay Gaas ku shubeen oo holcaysa beey duleelka kasoo tuureen iyagoo igu leh wan ku ognahay rasaasta kuu hartay 4xabo kama badna.

Wan kusoo galeynaa noloshan kugu gubeynaa.


Waagu markuu baryey oo ay 5am tahay ayaa Boolisku soo dhawaaqay.Waxay ahayd habeen iyo maalin addag, oo aan xusuusteyda ka go,I doonin.


Afdhuwaay dhexdiisaan dhuuni aan ka doontee, dhagar naloo dhigaayaan dhaqaalees umoodnee, dhaayo dheef ujeedaa dhimashey udhowadaan wixii kuu dhignaa maa dhinac kaa maraayee!


Waxay ahayd habeenka aan go,aansaday Inaan South Afrika nafteyda kala dhaqaaqo, ama ugu yaraan aan isaga hawa gadisto goobaha loo yaqaan lokayshanada,oo ay Somalidu ganacsiga kasoo bilowday.


Waxan uwareegsaday inaan noqdo darawal Taraagyada waaweyn Looriyada kaxeeya.

Waxan qaatay Leysanka Code 14 iyo (PDP) oo uu iga caawiyey sxbkey walalkey ganacsade Abshir Xuseen Gurey,Misna waa ii cuntami waysay waxan dib ugu laabtay,waxbarashadeydi misna waxaan qaadan waayey inaan Shahaadoyin ka qaato dalkii lagu dilay oo Shahaadooyinka aaqiro looga jaray 9nin oo saxibadey iyo ehelkeyga ahaa ee igu soo dhoweyey dalkaas.


South Afrika magaalo walbo taariikh gooniya beey igu lahayd magalo xeebeedka Durban habenki koowaad ee aan ka dagay Station 🚉 Ka Taxi run ka ayaaba tuugo igu garaacday.


4habeen intaanan joogin haben kale ban sagootinayey Oday nabadon ah oo  aan qaraabo nahay oo kaasoo iidhiibay boorso yar oo uu ay ugu jireen lacago cadaan ah iyo Dahab uu Somalia uwaday, balse mar kale ayaa  tuugo igu heshay Isla Station 🚉 Durban.


Markan danbe xitaa Odaygi ila socday inteey kor uqaadeen beey dharkii dhan ka jeex jeexeen sidii kubadiina way umooleesteen anigana dhagax iyo bulukeeti sidey iigu wadeen bey ibuus buuseen markan arkay, inaan buus buusmay baan ku mitiday boorsadii an waday .


waxaa kaga daran dadka jidka marayey ee Basaska kaso dagayey waxay ku yiraahdeen luqada Zuluga waa tuug markaasa qofki soo maraba uu laad igu sii reeba ila marki danbe nin nala socday oo aan qaraabo nahay geesina ahaa oo Hooshaar la yiraahdo uu ka baxsaday tuugadii orodna ku-galay xarun Boolis kana soo kaxeyey Gaari Boolis ah iyo ciidanki lasocday.


Waxaana la iigu yimid meshii anigoo dambaska noqday balse weli boorsadii xabad xabad ugu jiifa.Ninki Boorsada lahaa oo isagiina ay si xun ugaaraaceen baa isoo dul istaagay oo igu yiri war gablami waaye Boorsada maxaad isaga dhiibi wayday waxan ugu jawaabay adeer hadeysan markii hore ibuus buusi lahayn oo ay boorsada iwaydin lahayen wan siin lahaa balse rag igu tuntay xoolo inaan ugu daro doqonimo akbar ah weeye.


Isla magaaladaas anigoo Motor-way saaran oo aan ku socdo 130 iyo bunka ayaan isfara saarnay mid xoogaa qafiifoow qabay oo shirka gaariga iisaarnaa, wuxuu aad ucaayey oo uu aflagaadeyey nin oday ah oo aan wadada kasoo qaaday kaasoo la oran jiray Caydiid Shiikhaal .


ninkaasoo ahaa nin iska afgaaban balse aniga ku iri kii ceytamayey war naga aamus ceensaanyahow ceensantu keensatay halkii buu feer igu qaad qaaday aniga isteerinka gaariga wan siidaayay waxan tuuri karana waa tuuray ilaahey baa galabtaas na bixiyey dhamaanteen Caydiid oo Manta Marekan jooga iyo anigoo UK jooga Iyo Cali Weershe oo Xamar jooga midkeen ma bad baadi lahayn galabtaas haduusan Alle na badbaadin.


Anigoo yaaban baa telfoon barakeysani  iigasoo-dhacay, dhanka magaalo xeebeedka Capetown waxaa isoo wacay dadka manta dunidan kunool qofka aan ugu tixgalinta badanahay,,waa Adeerkey oo aan dhihi karo booska Aabe ayuu iigalay 16sano oo an Qurbaha joogay,waana qofka kaliya oo aan abaal buuxa uhayo,Aderkey Abdinadir Ali-Salad Barre Geedi,Oo (Carab loo yaqaan)kaasoo iidagaalamay iina horseeday inaan wax wayn ka qabsado Koofur Afrika, Iyo inaan si nabad ah uga sii safro, anigoo markas boos ah.


Markan koofur afrika ka tagayey wan ladnaa, Magaalo nabad ah ayaan daganaa,Xoolo in igu filan igana badan ayaan kuheestay, waxan kujiray kuwa noloshoodu aadka usareyso,balse taas igama baajin inaan socdaalkeygi iyo safarkeygi sii wato,misna manta igama baajineyso inaan Aderkey qaaliya umahad celiyo,adeerkey wuu jeclaa inan isla sii joogno balse kama uusan war haynin Traumatised-ka aan wadankaas kaqaaday.Raga socodku waa u dow haduu moowdku daayo.


Waayahaas oo dhan intaan kusoo jiray, waligey waxaan ahaa xalaal quudad, Ilahey baa kumahadsan inaan ahay ninka xitaa weligii aan deeyn ubaahan ama aan deyn weligii qof waydiin,waxaana aniga,Maabaa-dii ii ah oo aan ilaalsadaa Diinteyda Islamka waxaa iigu xiga oo aan ilaaliyo waa sharafkeyga dignity.


Ugu danbeyn waan isaga tagay Koofurtii Afrika waxaana qabtay dalka UK oo aan Book 📖 iyo qalin dib uhoowl galiyey ilaa caawana aan  idinkaga soo qorayo maqaalkan.


Dhalinyarada Somaliyeed ee kunool dalka Koofur Afrika Allaha amaansado kuwa tuulooyinka fog fog ku aasan Allaha unaxaristo dalkeenii nabad Allaha nooga yeelo Somalida Ilaahey laabtooda cafis iyo calool sami ha isu mariyo.Hadii aynaan dhexdeena isdili lahayn cadow shisheye hilbaheena haada uma wareen,Rabi talo kufilan.


Maqaalkan iyo fariintan hadey kusoo gaarto uduceey dhamaan dhalinyarada Somaliyed ee ku aasan dhulalka shisheeye ee xaqdarada lagu dilay iyagoo Magangalyo Iyo Risaq doon ahaa.


Sidoo kalena uduceeya kuwa nool ee ka halgamaya daafaha dunida, fariintana gaarsii oo usii faafi  asxaabtada si ay uga feejignaadaan halista nololeed ee kajirta Meel baastii Koofur Afrika.


Waxa Qoray - Saciid Jaamac Cali .

Comments